Home Dhacdooyinka DHAGEYSO: Qarax xooggan oo ka dhacay Buurhakaba & Wararkii ugu

DHAGEYSO: Qarax xooggan oo ka dhacay Buurhakaba & Wararkii ugu

SHARE

Buurhakaba (Horumar Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax xoogan oo  si weyn laga maqlay degmada Buurhakaba  lagu weeraray Saldhiga Degmadaasi.

Dadka goob joogayaal ah ayaa Horumar.com u xaqiijiyay in weerarka lala Bartilmaamsaday Ciidamo kuwa maamulka Koofur Galbeed ka tirsan oo ku sugnaa Saldhiga degmada Buurhakaba ee la weeraray.

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA OO DHAN

Ma cadda Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa lagu weeraray Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, walow la sheegay inay ku dhaawacmeen mas’uuliyiin ka mid ah kuwa magaalada.

kormeerbuur

Weriyaha laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa wareysi la yeelatay, Mustaf Axmed Maqaal Guudow oo ku sugan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Xafiiska Horumar Online, Baydhabo
Horumaronline@gmail.com

SHARE