Home WARARKA MAANTA XOG: Maxay tahay Sababta ciidamada Taraafikada aysan u shaqeyn xilliyada Habeenkii?

XOG: Maxay tahay Sababta ciidamada Taraafikada aysan u shaqeyn xilliyada Habeenkii?

SHARE

Muqdisho (Horumar Online) – Ciidamada loo yaqaan Taraafikada ee ka shaqeeya Ilaalada wadooyinka Muqdisho iyo gaadiidka, ayaa shaqada ay hada qabtaan kaliya waxa ay tahay mid ku kooban maalintii oo kaliya.

Wadooyinka Muqdisho ayaa lagu arkayaa ciidamo Taraafiko ah oo maalintii shaqeeya, kuwaasi oo gaadiidka iyo Mootooyinka weydiinaya sharciyada ay gaadiidka ku shaqeeyaan.

Dad badani waxa ay isweydiinayaan sababta ciidamada Taraafikada ay u shaqeeyaan kaliya maalintii oo aysan u shaqeyn xilliyada Habeenkii ah, maadaama meeshii lagu gaaro Maqribka ay adag tahay Askari Taraafiko ah oo shaqeeya, islamarkaana maareeya shilalka gaadiidka ee Habeenkii dhaca.

taraafikada-soomaaliya_horumar_online

Taliyaha ciidamada Taraafikada Cali Maxamuud Cali ayaa Saxaafadda u sheegay in ciidamada Taraafikada ay yihiin kuwa aanan hubaysnayn oo awood badan aan u laheyn inay habeenkii shaqeeyaan, maadaama ay jirto falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo Muqdisho ka dhaca.

“Ciidanka Nabadgelyada wadooyinka maadaama aaney hubaysneyn waxaa loogu talo galay inta gaadiidka uu socdo in iyaga ay taagan yihiin, gaadiidka inta badan habeenkii waa hooydaan, iyagana maadaama aysan hubaysneyn hadana waqtiga aad ogtahay markii ay habeen noqoto waa ay soo xaroodaan.” Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Taraafikada.

Inta badan ciidamada Taraafikada ayaanan lagu arkin wadooyinka Muqdisho wixii ka dambeeya salaada Casir kadib, xilligaasi oo la sheego inaysan shaqeyn ciidamada iskaba daa xilliyada Habeenkii ah.

Majirto ciidan maareeya shilalka gaadiidka oo habeenkii ka dhaca wadooyinka Muqdisho, gaar ahaan wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE