Micheal Keating: ”Dagaalkii Gaalkacyo waa la isagala xisaabtamayaa, heshiiskana waa in la dhowraa”

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya, ayaa ka hadlay heshiiskii Nabadda Magaalada Gaalkacyo, isaga oo ugu baaqay Maamulada Puntland iyo Galmudug inay dhowraan heshiiskaasi.

Keating, ayaa sheegay Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug si shaqsiyan ah inay u balan qaadeen hirgelinta Heshiiskii Nabadda Magaalada Gaalkacyo.

Si shaqsiyan ah Cabdi wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland iyo Cabdi kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug waxa ay balan qaadeen in ay adkeyn doonaan heshiiska , laakiin waxaa muhiin ah in midaas laga wada dhabeeyo ” ayuu yiri Danjire Keating.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya Danjire Mcheal Keating ayaa sidoo kale sheegay in maamulada Puntland iyo Galmudug lagula xisaabtami doono dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo 6 dii isbuucii ee lasoo dhaafay, dagaaladaasi oo ku dhinteen tiro ka badan 45 qof.

Danjire Micheal Keating ayaa uga digay maamulada Puntland iyo Galmudug in ay hareermaraan heshiiskii lagu gaaray Gaalkacyo ee uu goobjooga ka ahaa Ra’iisulwasaaraha Qaranka mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Ma ahan in lagu xadgudbo heshiiska Gaalkacyo, mana la aqbali karo in heshiis walba la jabiyo , waxaana ay wajihi doontaa xisaabtan adag cidii hareermarta”  Sidaas waxaa markale yiri Danjire Mcheal keating.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close