Midowga Yurub oo ka shiraya madaxweynaha la doorta ee Trump

Filed under: WARARKA MAANTA |

Brussels (Horumar Online) – Wasiiradda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub oo kulan ku leh caasimadda Brussels, ayaga ka arrinsanaya saamaynta ay ku yeelan karto guusha uu doorashada Maraykanka ka gaaray Donald Trump.

Qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta Yurub ayaa ka walaacsan hadaladii uu ololihiisa ka sheegay Mr Trump.

Waxa ay si gaar ah uga walwalsan yihiin jilicsanaanta uu u muujiyay Ruushka, iyo fekerka xun ee uu ka aamisan yahay gaashaanbuurta NATO iyo Midowga Yurub.

Wasiiradda arrimaha dibedda ee Britain iyo Faransiiska ayaa ka maqan kulankan, waxaana ay sheegeen in laga badbadiyay cabsida laga qabo madaxweynaha la doortay ee Maraykanka.

Labadaasi wasiir ayaa kulanka ku biiri doono Isniinta, markaasi oo arrimaha shirka looga hadlayo ay ka mid yihiin xiriirka uu Midowga Yurub la leeyahay Turkiga iyo iskaashiga milateri ee kala dhexeeya NATO.

Xafiiska Horumar Online, Berlin
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close