Nabad sugidda oo Xabsiga ku haya weli 3 Weriye oo ka howlgala Kismaayo & Wararkii ugu dambe…

Filed under: WARARKA MAANTA |

Kismaayo (Horumar Online) – Ciidamada Nabad Sugidda Jubbaland ayaa xabsiga ku haya wali saddex Wariye oo ka mid ahaa Suxufiyiinta ka howlgasha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Suxufiyiintaan ayaa la sheegay ciidamada Nabad Suggida Jubbaland inay xireen maalintii Sabtida ee todobaadkaan, kadib markii qaarkood laga xiray guryaha ay ka degan yihiin Magaalada Kismaayo.

Suxufiyiinta xiran ayaa kala ah Sakariye C/qaadir, Cumar Yaasiin iyo sidoo kale Mascuud C/laahi.

Wararka qaar ayaa sheegaya sababta loo xiray Suxufiyiintaan inay tahay arimo la xiriira kadib markii bartooda xiriirka Bulshada (Facebook) ay ku soo daabaceen in ciidan gadoodsan ay la wareegeen mid ka mid ah Xarumihii ay ka socotay doorashada xubnaha Baarlamaanka.

Warar kalena waxa ay sheegayaan in saddexdan Wariye xarigoodu ka dambeysay kadib markii ay tabiyeen wararka sheegayey in ciidamo ka tirsan Nabad sugidda islamarkaana gadood ah ay la wareegeen xaruntii ay ka socotay doorashada dadban ee Kismaayo.

Suxufi ku sugan kismaayo oo dalbaday in magaciisa aan loo adeegsan Warbaahinta cabsi uu ka qabo xarig dartii ayaa sheegay in saaka ay balansan yihiin Saraakiisha Nabad Sugida Jubbaland ayna filayaan iney dib xuriyadooda uhelaan Suxufiyiinta xiran.

Saraakiisha Jubbaland ee Nabad Suggida ayaa sheegay Suxufiyiinta xiran sababta loo xiray inay tahay inay galeen dambi ku aadan qal qalgelinta amniga.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close