Home WARARKA MAANTA Soomaali doonayay inuu ku biiro Daacish oo lagu xukumay XABSI

Soomaali doonayay inuu ku biiro Daacish oo lagu xukumay XABSI

SHARE

Minnesota (Horumar Online) – Xaakim ayaa magaalada Minneapolis xukun ku riday wiil Soomaali ah oo 20 sano jir ah oo qirtay inuu doonayey inuu ku biiro ururka Daacish.

Wiilkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Yuusuf ayaa ah kii ugu horreeyey ee xukunka uu ku dhaco. Xaakimka Michael Davis ayaa ku xukumay waqtigii uu hore xabsiga usoo qaatay oo ku dhow laba sano, iyo 20 sano ah oo uu ku jirayo kormeer joogto ah.

Cabdullaahi Yuusuf ayaa la qabtay bishii May 2014-tii isgaoo ka duulayey garoonka diyaaradsaha ee Mineapolis kuna sii jeeday magaalada Istanbul.

minnesota-soomaalida-kunool

Bishii Fberaayo 2015-kii ayuu qirtay inuu doonayey inuu ku biiro Dacaish.

Xaakimka ayaa la sheegay inuu Cabdullaahi Yuusuf u sheegay inuu fursad siinayo oo uusan waqtigiisa ku lumin doonin xabsiga.

Saacadaha soo socda ayaa la xukumi doonaa laba kale oo ka mid ah dhalinyaradaasi oo kala ah Cabdirisaaq Warsame iyo Zakariye Yuusf Abdiraxmaan oo labaduba horey u qirtay dambigaasi inay galeen kaasi oo ah inay doonayeen inay ku biiraan ururka Daacish.

Xafiiska Horumar Online, Minneosta-USA
Horumaronline@gmail.com

SHARE