XOG: Ciidamada Itoobiya oo ka baxaya howlgalka Amisom ee Somalia (Maxay tahay Sababtu)!

Filed under: WARARKA MAANTA |

Addis Ababa (Horumar Online) – Wargeyska East Africa Monitor, ayaa baahiyay in Ciidanka Itoobiya ee ku jira howlgalka Amisom ay ka baxayaan howlgalkaas, kadib markii ay ciidanka Itoobiya ee aan ku jirin Amisom ka baxeen qeybo ka mid ah Somaliya.

Wargeyska oo soo xiganaya Afhayeenka Ciidanka Amisom ee Somaliya ,Joseph Kibet Murrey ,ayaa sheegay in bixitaanka ciidanka Itoobiya ee howlgalka Amisom ay culeys weyn ku tahay,kuna qasbeyso Amisom in ay dib u dhigto qorshe ay dejisay,dibna u fakarto.

Kibet,waxaa uu sheegay in Ciidanka Itoobiya oo ka baxa Amisom ay culeys ku tahay Amisom,firaaq badanna ku soo fureysa howlgalka,taas oo saameyn taban ku yeelaneysa qorshaha howlgalka.

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Getachew Reda,aya Bishii hore sheegay in ciidanka Itoobiya ee ka baxaya Amisom aysan sabab u ahayn kacdoonka ka jira gudaha Itoobiya ee Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ay wadaan.

Waxa uu taas beddelkeeda sheegay in ay sababta tahay Beesha Caalamka oo Itoobiya uga baxday ballamo ay la gashay iyo in ay bixin waayeen dhaqaalaha Ciidanka Itoobiya ee aan ku jirin Amisom kuna sugnaa Somaliya.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugan Gobolo badan oo ka tirsan Somaliya, halkaasi oo ay kula dagaalamaan Al Shabaab.

Ciidamada Itoobiya dagaalka Shabaab ay kula jiraan oo ah mid adag marka loo eego ciidamada kale ee Amisom waxaa shaqo badan kuwa Itoobiya.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close