XOG: Siyaasiyiinta Somaliland oo ka qeybgalaya Doorashada Soomaaliya (Akhri War-saxaafadeedka)

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Siyaasiyiinta gobollada Waqooyi ee Soomaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay ka qeybgallayaan doorashada dadban ee dalka ka dhaceysa, kaddib markii ay dhowaan qaadaceen.

Shir jaraa’id oo ay wada-jir maanta ugu qabteen magaalada Muqdisho ayeey ku sheegeen in kulan labadii cisho ee la soo dhaafay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, kaddib go’aan ku gaareen in laga qeyb-gallo doorashada dadban ee Soomaaliya, iyadoo la tixgalinayo hishiiskii madasha-wadda-tashiga.

siyaasiyiinta-gobollada-waqooyi

Siyaasiyiinta, salaadiinta iyo waxgaradka gobollada W/qooyi ayaa ugu baaqay guddiga doorashooyinka in ay dedejiyaan doorashada labada aqal ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi.

Dhowaan ayay aheyd markii war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka lagu sheegay in xal laga gaaray cabashadii ka timid Beelaha Dirta Waqooyi.

war-saxaafadeedka-ka-soo-baxay-gobollada-waqooyi

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close