DAAWO SAWIRRO: Faah-faahin kulankii ka dhacay garoonka Gaalkacyo

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la kulmay guddigii xalinta colaada Gaalkacyo Puntland magacaabtey waxaana kulankaasi ka qayb galay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating.

Kulankan maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacayo ayaa Madaxweynaha waxaa ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin kamid ah madaxtooyada Dawladda Puntland, xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka iyo colaadda Gaalkacayo ee Dawladda Puntland ayaa loo xilsaaray inay bulshada Gaalkacayo wada tashiyo kala yeeshaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda magaalada Gaalkacayo isla markaana loo xaqiijin lahaa arrimaha sababay inay soo noq-noqdaan khilaafaadka dhex yaalla bulshada magaalada Gaalkacayo.

Xubnaha guddiga iyo odayaasha kala duwan ee gobolka mudug waxay si wada jir ah ugu soo bandhigeen warbixino iyo macluumaad dheeraad ah oo ku salaysan taariikhda soo jireenka ah ee magaalada Gaalkacayo iyo qaabkii ay u wada degenaayeen bulshada ku dhaqan magaalada.

Madaxweynaha Puntland oo furitaankii shirka ka hadley ayaa sheegay, in guddiga iyo ofoyaasha dhaqanka laga doonaayo in ay u soo gudbiyaan ergada ka socota Qaramada Midoobey iyo wefdiga raysalwasaaraha sida ay u arkaan in lagu xalin karo colaada, waxa la isku hayo, iyaga oo deggan oo xaaladda la fahmi karo soo bandhigaya.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating oo kulanka ka qayb galay isla markaana si buuxda u dhagaystay warbixinada iyo macluumaadka ay xubnaha guddigga iyo odoyaasha dhaqanku kasoo jeediyeen, wuxuuna sheegay in beesha calaamku aysan waxba qaban karin haddii aanay garab ka helin odayaasha dhaqanka iyo bulshada kala duwan si loo soo afjaro colaadda magaalada Gaalkacayo.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa Gaalkacyo ku soo laabtey muddo 50 saacadood kadib markii uu wax ka ogaa heshiiskii lagu dhaqangelinaayey heshiiskii Imaaraadka carabta.

Odoyaasha dhaqanka ee labada dhi nac iyo weliba guddiyada la saarey ayaa kala aragti duwan, waxaana kamid ah waxyaabaha la sku hayo

  • Xalka Gaalkacyo in Kismaayo la geeyo
  • Kala qaadista ciidamada
  • Dhismaha Maxjarka/joojinta Dhismaha Maxjarka
  • Is aaminaad darro weyn oo jirta
  • Ciidanka Puntland oo sheeganaya in tan iyo shalay galab kuwa Galmudug duqeynayeen oo aysan ka jawaabin.

Odoyaasha dhaqanka ee Gaalkacyo/Puntland ayaa ku doodaya in aan arrinta la siyaasadeyn ee marka hore dhaqanka labada dhinac lagu dayo oo Gaalkacyo gogosha la dhigo.

kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo1 kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo2 kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo3 kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo4 kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo5 kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo6 kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo7 kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo8 kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo9 kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo10 kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo11 kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo12 kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo13 kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo14 kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo16 kulankii-ka-dhacay-garoonka-diyaaradaha-ee-gaalkacyo17

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close