DHAGEYSO – FADEEXAD: Musharrax Xildhibaan oo caddeysan in $5000 dollar lagu xujeeyay inay bixiso, haddii kale….

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Baydhabo (Horumar Online) – Iyadoo ay iska soo daba dhacayaan musuqa iyo cod iibsiga hareeyay doorashada Soomaaliya ee 2016, ayaa waxaa afka furatay mushara xiildhibaan Aamina Mursal.

Aamina waxay u sharxaneyd kursiga Beesha Waanjeel ee doorashadiisu ka dhaceysay Magaalada Baydhaba, waxayna saxaafadda u sheegtay wixii dhex maray iyada iyo Malaaqa beesheeda.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA MUSHARAXA XILDHIBAAN

Aamina Mursal ayaa sheegtay in ergo been ah ay ku aragtay goobtii doorashada, kadibna ay weydiisay malaaqa beesheeda oo ugu jawaabay inay $5000 bixiso, kadibna ay meel waliba u gashay si ay lacagtaasi u hesho.

Waxayna sheegay, in ay heysto caddeyn ay la wadaagi doonto madaxda dowladda, iyo wakiilada beesha caalamka.

amina-mursal_horumar_online

Xafiiska Horumar Online, Baydhabo
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close