Jabuuti Airline oo 25 sano kaddib maanta ka shaqo bilowday Somalia

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Shirkadda diyaaradaha ee dalka Jabuuti ayaa maanta soo caga dhigatay Magaalada Muqdisho muddo 25 sano ah ka dib sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somaliya.

Diyaaradda ayaa duullimaadyo toos ah waxa ay ka biloowday Magaalooyinka Jabuuti iyo Muqdisho, waxaana la sheegay in ay ka mid noqon doonto duulimaadyada Caalamiga ee ka shaqeyn doono garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Jabuuti Airlines, ayaa ka mid aheyd diyaaradaha sababo dhanka amniga ah ugu baaqsaday in ay yimaadaan Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

air-djabuti_horumar_online

Jabuuti Airlines, ayaa ka qayb qaadan doonta howlaha isu socodka Dadka Somaliyed ee u kala gooshaya Labada Dal ee Walaalaha ah.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha sida aadka ah u la socda siyaasada Somaliya , waxaana ciidamo qeyb ka ah howgalka Amisom ay ka joogaan Somaliya.

Jabuuti Airlines, mahan diyaaradii ugu horreeysay ee duulimaad heer Caalami ah ka sameysa Somaliya.

Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa sameynaya horumaro caalami ah, marka loo eego dhanka Duulimaadyada, iyadoo ammaanka Garoonka si weyn loo adkeeyay.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close