KENYA oo lagu Eedeeyay inay u hanjabto Qaxootiga Dhadhaab ku jira

Filed under: WARARKA MAANTA |

Nairobi (Horumar Online) – Hay’ada Xuquuqda Aadana ee Amnesty International, ayaa ku eedeysay Dowladda Kenya inay qasbayaan Qaxootiga Somalida ah ee ku jira Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Hay’ada ayaa sheegtay in Kenya ay ku qasbeyso dadka Somaliyed ee Xeryahaasi ku jira inay si qasab ah dalkooda hooyo ugu noqdaan, taasina waxa ay ka muujisay walaac.

Amnesty ayaa sheegtay in saraakiisha dowladda ay dadka qaxootiga ah u sheegeen in xoog lagu rari doono haddii aanay iskood u guurin ka hor dhammaadka bishan.

Hay’adda ayaa sidoo kale cambaaraysay Qaramada Midoobay, oo ay sheegtay in aanay dadka u sheegin sida ay khatarta u tahay xaaladda Soomaaliya iyo sida hoyga iyo maciishaduba ciriiriga u yihiin.

Afhayeenka dowladda Kenya, Eric Kiraithe, ayaa beeniyay in xoog lagu rarayo qaxootiga, waxaana uu sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay rabaan ku laabashada dalkooda.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Kenya ayaa hadalo is khilaafsan ka sheegay xiritaanka ay dowladooda la damacsan tahay xeryaha Dhadhaab.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close