Madaafiic lagu garaacay qeybo ka mid ah Muqdisho & Wararkii ugu dambe…

Filed under: WARARKA MAANTA |

Dayniile (Horumar Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in ay xaafado kamid ah degmadaas ay ku dhaceen tiro Madaafiic ah.

Madaafiic lagu qiyaasay ilaa 5-madfac ayaa ku dhacay gudaha degmada deyniile, qaar kamid ah madaafiicda ayaa ku dhacay isgoyska ifka xalane ee ah oo goob u dhow Garoonka Stadium Muqdisho oo Saldhig Malatari ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM.

Sidoo kale, waxaa jirey Madaafiic kale oo hada ku dhacaya xaafado ka tirsan degmada Deyniile, inkastoo aan la soo sheegin qasaaro ka dhashay Weerarkaasi Madaafiicda ah.

Lama oga cidda ka dambeysa, inkastoo weeraro horey oo noocan oo kale ay sheegteen masuuliyadooda maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close