UPDATE: Doorashadii ugu adkeyd oo berrito ka dhaceysa CADAADO !

Filed under: WARARKA MAANTA |

Cadaado (Horumar Online) – Waxaa berrit oo Arbaco ah magaalada Cadaado ka dhacaya doorashada xubnaha Aqalka Hoose Galmudug u metelaya Baarlamaanka soo socda.

Qorshaha, ayaa ahaa in maanta ay doorashada ka dhacdo magaalada balse dib udhac ayaa ku yimid doorashada ,gudiga doorashada maka hadlin waxa dib udhaca maanta keenay.

Arbacada berrito ah, ayaa lagu wadaa in Cadaado lagu doorto sagaal Xildhibaan, waxaana ku tartamaya musharixiin gaaraya 25 oo ka kala yimid qaar akmid ah Gobolada Dalka Soomaaliya.

doorasho-soomaaliya

Musharixinta tartamaya waxaa kamid ah Xildhibaano hada kujira baarlamaanka Waqtigiisu dhamaaday, Wasiiro iyo laba kamid ah Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Gudiga Doorahsada Galmudug, Yuusuf Diiriye oo Caawa Suxufiyiinta kula hadlay Magalaada Cadaado ayaa usheegay in doorashda ay bilaaban doonto Sagaalka subaxnimo si loo dardar galiyo howsha beri oo aad uculus.

Hadaba Doorashada ayaa udheceysa Arbacada Sidan:

Kursiga 1aad Waxaa ku tartami Doona:

Eng. Cabdu laahi cali xasan

Saadiq  cabdi kariin xaajii Ibraahim

Fowsiya Xasan ABuukar

Kursiga 2aad Waxaa ku tartami Doona:

Axmed yuusuf Guuleed

Cabdu laahi cali xmed

Kursiga 3aad Waxaa ku tartami Doona:

Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow

Axmed Mukhtaar maxamuud

Kurisga 4aad Waxaa ku tartami Doona:

Maxamed Maxamuud Guure

Sakariye maxamed Cosoble

Cabdu qaadir Nuur caraale

Cabdiq aadir Gaafoow maxamuud

Kursiga 5aad Waxaa ku tartami Doona:

Xuseen Qaasim Yuusuf

Shire Macalin Gaab

Kurisga 6aad Waxaa ku tartami Doona:

Xasan macalin Maxamuud

Cabdi Qaadir Xuseen maxamuud

Cabdi Fitaax Cali Xasan

Kursiga 7aad Waxaa ku tartami Doona:

Bootaan Ciise Caalim

Maxamed Cilmi AFrax

Cabdule Faarax Xirsi

Cali sheekh Yaasiin Geedi

Kursiga 8aad Waxaa ku tartami Doona:

Maxamed Cabdulle Faarax Geeseey

Maxamed Axmed Xaashi Qoslaaye

Kursiga 9aad Waxaa ku tartami Doona:

Cawil maxamed Siyaad

Xaawo Kiin Maxamed Cali

Xirsi Aadan Rooble

Galmudug ayaa hada dooratay oo kaliya Shan xildhibaan oo mid kamid ah ay tahay haweeney, Waana Maamulka 2aad ee ugu dib dhacsan doorashada Aqalka Hoose marka laga reebo HirShabelle oo dhawana uun la unkay.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close