XOG: Booliska Jarmalka oo qaaday howlgallo ka dhan ah DAACISH

Filed under: WARARKA CAALAMKA,WARARKA MAANTA |

Berlin (Horumar Online) – Booliska dalka Jarmalka ayaa baaritaan ku sameeyey guryo ka badan 200 ooguri, waxaana ay ku raadjoogaan xog ay heleen oo la xiriirta xubno taageero u haya Daacish.

Boqolaal Booliska ah ayaa ka qayb-qaatey baaritaanada, gobolada Hessen, Nordrhein-Westfalen Bayern iyo Berlin, sidoo kale waxaa baaritaanadu ka dhaceen gobola kale oo ku yaala Galbeedka Jarmalka.

germany_police

Sida ay sheegayso warbaahinta Jarmalka qaarkeed waxaa ku sugan gudaha Jarmalka 9500 oo la aaminsan yahay in ay leeyihiin fikarado xagjir ah. Dalka Jarmalka ayaa labadii sano ee u danbeysey qaabiley dad ka badan hal Milyan oo qof oo qaxooti ah.

Ma jirto cid ilaa iminka la qabteyw axaase si xooggan looga dareemay hawlgalada Booliska guud ahaan dalka Jarmalka.

Xafiiska Horumar Online, Berlin
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close