Home WARARKA MAANTA XOG LA-HELAY: Shir Xasaasi oo u socda Keating & C/weli Gaas, iyo...

XOG LA-HELAY: Shir Xasaasi oo u socda Keating & C/weli Gaas, iyo RW CCC oo ku biiray!

SHARE

Gaakacyo (Horumar Online) – Waxaa wali Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ka socda shirkii u Dhexeeyay Wakiilka QM u qaabilsanaa arrimaha Somalia Mcheal Keating iyo Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas.

Shirka ayaa salka ku haya Colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana kulankaasi qeyb ka ah Wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland.

Shirka socda ayaa waxaa ku biiray Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid oo goobjoog ka ahaa kulamadii maalmahaani ka socday magaalada Gaalkacyo.

Dhinacyada uu shirka u dhexeeyo ayaa dhaliilsan hirgalin la’aanta heshiiskii dhexmaray maamulada Puntland iyo Galmudug.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in Khilaaf uu soo kala dhexgalay Waxgaradka Mudugta Puntland kaasi oo ku aadan qaabka loo wajihi lahaa hirgalinta Heshiiskii dhawaan la kala saxiixday.

Shirkaani socda ayaa sidoo kale yimid kadib markii Ciidamada labada dhinac ay ka weecdeen Heshiiska Xabad joojinta, waxaana Heshiiska kadib halkaasi laga maqlaayay rasaas ay Ciidamadu is weydaarsanayeen.

Docda kale, Shirka socda ayaa lagu wadaa in maanta mar kale laga soo saaro Heshiis lagu xoojinaayo kii hore.

Xafiiska Horumar Online, Gaalkacyo
Horumaronline@gmail.com

SHARE