DAAWO SAWIRRO: Mustaf Dhuxulow oo ku guuleystay Doorashada Aqalka hoose ee ..

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Cadaado (Horumar Online) – Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii soo maray dalka, ayaa maanta ku guuleystay Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee ka soo gelaya deeganada Galmudug, kadib Doorasho Cadaado ka dhacday.

Mustaf Dhuxulow, ayaa la tartamaayay Axmed Mukhtaar Maxamuud, waxaana la sheegay in Axmed uu tanaasulay.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, ayaa helay Codadka Ergo gaaraysa 47 Ergo, taasi oo muujinaysa inuu xaqiijiyay Xubinada Kursiga Baarlamaanka ee Beeshiisa.

Ergada Doorashada waxa ay gaaraysa tiradooda 51 ruux, qofka Xildhibaan noqonaya ee Doorashada galana waxa uu ku soo baxayaa codad gaaraya 26 cod.

Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ayaa ka socota Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug.

mustaf-dhuxulow-oo-ku-guuleysta-aqalka-hoose-ee-galmudug mustaf-dhuxulow-oo-ku-guuleysta-aqalka-hoose-ee-galmudug1 mustaf-dhuxulow-oo-ku-guuleysta-aqalka-hoose-ee-galmudug2 mustaf-dhuxulow-oo-ku-guuleysta-aqalka-hoose-ee-galmudug3 mustaf-dhuxulow-oo-ku-guuleysta-aqalka-hoose-ee-galmudug4 mustaf-dhuxulow-oo-ku-guuleysta-aqalka-hoose-ee-galmudug5 mustaf-dhuxulow-oo-ku-guuleysta-aqalka-hoose-ee-galmudug6 mustaf-dhuxulow-oo-ku-guuleysta-aqalka-hoose-ee-galmudug7 mustaf-dhuxulow-oo-ku-guuleysta-aqalka-hoose-ee-galmudug8 mustaf-dhuxulow-oo-ku-guuleysta-aqalka-hoose-ee-galmudug9 mustaf-dhuxulow-oo-ku-guuleysta-aqalka-hoose-ee-galmudug11

Xafiiska Horumar Online, Cadaado
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close