DHAGEYSO: Camey: Xalka Gaalkacyo kuma jiro meel kale oo shirka la geeyo

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Garoowe (Horumar Online) – Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Puntland,C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey), ayaa sheegay in xalka Gaalkacyo aanu ku jirin meel kale oo ka baxsan, oo lagu qabto shirka lagu doonayo in nabadda looga dhex dhaliyo Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Madaxweyne-yaasha labada maamul oo Sabtidii ku kulmay Magaalada Gaalkacyo, ayaa soo saaray heshiis saddex qodob ka kooban, oo mid ka mid ah uu qeexayo in 20-ka bishan, ay shir nabadeed uga qaybgalaan Magaalada Kismaayo.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA C/XAKIIM CAMEY

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, ayaa ku taliyay in xalka Gaalkacyo looga dambeeyo Odayaasha Dhaqanka, oo aan marnaba loo gacangelin siyaasiyiinta Somalida.

Waxaa uu sheegay in dadka reer Puntland ay marwalba diyaar u ahaayen nabadda, balse ay nabadda Gaalkacyo ka socon weyday hal dhinac, oo uu kala jeedo Galmudug.

camey_horumar_online

Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in la joojiyo hadalada xanafta leh, ee Galmudug uu ku eedeeyay inay ka jeedinayso Warbaahinta, isagoona yiri “Nabad adaa ku noollee iyadu kuguma noolla.”

C/xakiin Camey, ayaa intaa ku daray in la arkay dhibaatada ay colaaddu leedahay, laguna arkay 15-kii weerar ee ugu dambeeyay sida uu sheegay, ee ka imaanaayay dhinaca Galmudug.

Camey, ayaa u wada duceeyay dadkii ku dhintay dagaalka Magaalada Gaalkacyo, iyadoona uu Alle uga baryay in uu u boogo dhayo, kuwii kale ee ku dhaawacmay.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close