Doorashada Xildhibaanada Aqalka hoose ee Hirshabelle oo Jowhar ka bilaabanaysa maanta

Filed under: WARARKA MAANTA |

Jowhar (Horumar Online) – Waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda in Magaalada Jowhar si rasmi ah ay uga bilaabato Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Maamulka Hirshabelle wajigii koowaad.

Guddiga Doorashada Maamulka Hirshabelle, ayaa todobaadkaan shaaciyay maanta oo Arbaco ah in Magaalada Jowhar ay si rasmi ah uga bilaabanayso Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Hirshabelle.

Wajiga koowaad ee Doorashada ayaa la filayaa in lagu soo doorto Xildhibaano gaaraya 13 Xildhibaan, kuwaasi oo ka soo kala jeeda Qabiilada Dega Shabellaha Dhexe.

Guddiga Doorashada Maamulka Hirshabelle ee heer Dowlad Goboled, ayaa horay u soo saaray shaxda ay u dhaceyso Doorashada la filaayo in maanta ay ka dhacdo Magaalada Jowhar.

Ergada Dooranaysa Xubnaha Baarlamaanka ayaa ku diyaarsan Magaalada Jowhar ee maanta Doorashada ay ka dhaceyso.

Maamulka Hirshabelle oo ah maamulkii ugu dambeeyay ee Federal ah oo la soo dhiso, ayaa hada si toos ah uga mid ah Maamul Goboledyada dalka ka jira.

Guud ahaan deeganada Maamul Goboledyada dalka ayaa si rasmi ah waxaa uga socda Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee dalka.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close