Home WARARKA MAANTA XOG: Faarax Sheekh C/qaadir oo loo doortay Xildhibaan Baarlamaanka Soomaliya ka tirsan

XOG: Faarax Sheekh C/qaadir oo loo doortay Xildhibaan Baarlamaanka Soomaliya ka tirsan

SHARE

Jowhar (Horumar Online) – Ergada soo xuleysa Xildhibaanada Maamulka Hirshabelle ku meteleysa Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa goor dhow Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed u dooratay, inuu noqdo Mudane ka tirsan Baarlamaanka.

Faarax Sheekh C/qaadir oo kursigan uu kula tartamaayay Cismaan Qoox-qoox, ayaa helay 50 cod, halka Qoox-qoox uu isna helay 1 cod oo keliya.

Faarax Sheekh C/qaadir, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Garsoorka iyo Dastuurka Somaliya, ayaa waxaa la tilmaamaa in saaxiib dhow ay yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Qoox-qoox oo nin ganacsade ah, ayaa ku cusub saaxada siyaasadda Somaliya, waxaana uu xiriir la leeyahay Fahad Yaasiin, oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Faarax Sheekh C/qaadir.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in Qoox-qoox uu xiriir dhow la lee-yahay Dowladaha Emirate-ka Carabta iyo Kenya.

Dhanka kale Ergada, ayaa goor dhow dooratay C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Amniga Somaliya.

Mar sii horeysayna Ergadu waxay dooratay laba Xildhibaan, oo kala ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamed Xasan Qoono.

SHARE