Mid ka mid ah Ergada Doorashada oo lagu toogtay magaalada Cadaado & Xaaladda oo aad u …

Filed under: WARARKA MAANTA |

Cadaado (Horumar Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug, Xarunta Doorashada Magaalada Cadaado ayaa lagu toogtay ruux la sheegay inuu ka mid ahaa Ergada Doorashada.

Wararka waxa ay sheegayaan ciidamada inay toogteen ruuxaan, kadib markii uu ku hor booqay Afaafka hore ee xarunta Doorashada ay ka socotay ee Magaalada Cadaado.

Ruuxa ay dileen ciidamada ammaanka ayaa magaciisa lagu sheegay C/laahi Caraale Dubad, waxaana uu ka mid ahaa Ergada Beesha Abakar Murursade.

xildhibaanno-lagu-dooranayo-cadaado

Ninkaan ayaa ku hor buuqay Xarunta Doorashada horteeda, isaga oo ku dhawaaqayay erayo ku aadan inuu jiro Musuq maasuq ergada lagu xareystay, balse ciidamada ammaanka ayaa rasaas ku furay.

Xarunta Doorashada Magaalada ayaa waxaa ka taagan buuq ku aadan ciidamada ammaanka dilka ay u geysteen ruuxaasi ka tirsanaa Ergada ku sugneyd Magaalada Cadaado.

Galmudug ayaa ku fashilan suggida ammaanka Magaalada Cadaado, maadaama Ergada doorashada galaysa amnigooda masuuliyad ay ka saaran tahay Maamulka Galmudug.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close