Qarax Khasaare geysta oo maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo

Filed under: WARARKA MAANTA |

Kismaayo (Horumar Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, qarax Khasaare geystay ayaa ka dhacay Magaaladaasi.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in la geliyay goob maqaayad ah oo ay fariistaan ciidamada Maamulka Jubbaland.

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxaasi oo ka dhacay Maqaayad u dhaw, Xarunta Dowladda hoose ee Magaalada Kismaayo.

Afhayeenka ciidamada Booliska Jubbaland Jaamac Xasan Axmed, ayaa sheegay qaraxa inuu waxyeeleeyay dad rayid ah, balse aysan wax ku noqon ciidan Maamulka ka tirsan.

Waxa uu ku eedeeyay qaraxaasi inay ka dambeeyen ciidamada Ururka Al Shabaab oo uu sheegay inay u taagan yihiin waxyeeleynta dadka shacabka ah.

Ciidamada Jubbaland oo durba tagay goobta ay wax ka dhaceen, ayaa waxa ay baaritaan ka sameeyeen Maqaayada Qaraxa uu ka dhacay oo ay ka baareen qarax kale inuu ku jiro.

Magaalada Kismaayo oo muddooyinkii dambe ammaankeeda uu ahaa mid hagaagsan, ayaa hada xaalada waxa ay tahay mid degan.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close