UPDATE: Qarax xooggan oo Khasaare geystay Caawa ka dhacay Caasimadda Muqdisho

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Qaraxan oo ka dhashay bambada nooca gacanta laga tuuro, ayaa waxaa caawa lagu weeraray hoy ku yaala Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Goobjooge, ayaa Horumar.com u sheegay in hoygaasi oo uu degan yahay Sarkaal ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir lagu tuuray laba xabo oo bambo ah, inkastoo mid ka mid ah ay qaraxday.

Laba bambo ayaa 20 daqiiqo ka hor lagu tuuray guri ku yaala Degmada Xamar Jajab, gaar ahaan xaafadda Buurka. Gurigan waxaa degan nin Sarkaal ah oo Saraakiisha Booliska ka tirsan. Waa guri ay xilliyada habeenkii ku qayilayan Ciidamada Dowladda iyo dhalinyarada xaafadda.” Ayuu yiri goobjoogaha oo ka gaabsaday magaciisa.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xamar Jajab, haweeneyda lagu magacaabo Iftin Cumar Adeer, ayaa sheegtay in hal bambo oo keliya ay qaraxday, iyadoo intaa ku dartay in bambada kale aysan wax qarax ihi samaynin, isla-markaana ay gacanta ku hayaan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa xaqiijiyay in lix qof ku dhaawacantay qaraxaasi, kuwaa oo dhammaantood uu ku sheegay dhalinyarada deegaanka. Saddex ka mid ah xaaladooda caafimaad, ayuu ku sheegay inay liidato.

Cabdifataax Xalane ayaa meesha ka saaray in qaraxaasi uu waxyeelo ka soo gaaray askar ka tirsan Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska ka hawlgala Degmada Xamar Jajab, oo qaarkood ay xilliyada habeenkii ku caweeyan hoygaasi.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir, oo la hadlay Horumar.com ayaa masuuliyadda qaraxan dusha kaga tuuray mintidiinta Ururka Al Shabaab, oo isu deyaaya inay carqaladeeyan buu yiri nabadda Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close