UPDATE: Tartanka kursiga Xildhibaanimo ee Beesha Reer Aw Xasan oo ka socota Jowhar

Filed under: WARARKA MAANTA |

Jowhar (Horumar Online) – Ergada ku sugan Magaalada Jowhar, ayaa hadda u gudashada doorashada Xildhibaanka lagu wado in uu ka yimaado Beesha Reer Aw Xasan ee degta Gobolka Hiiraan.

Kursigan, ayaa waxaa ku tartamaya Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed iyo Cismaan Qoox-qoox, iyadoo Ergadu u codayn doonto shakhsigii beeshaasi ku meteli lahaa Baarlamaanka.

Faarax Sheekh C/qaadir, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Garsoorka iyo Dastuurka Somaliya, ayaa waxaa la tilmaamaa in saaxiib dhow ay yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

tartanka-kuraasta-aqalka-hoose-ee-jowhar

Suxufiyiinta Magaalada Jowhar, ayaa waxay soo sheegayan in Cismaan Qoox-qoox uu yahay nin saaxada siyaasadda dalka ku cusub, balse uu yahay nin ganacsade ah.

Waxaa leesla dhex marayaa in Qoox-qoox uu la safan yahay siyaasiga Fahad Yaasiin oo ka soo jeeda Beesha Reer Aw Xasan, mar sii horeysayna la soo shaqeeyay Madaxtooyada Somaliya.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in ninkan ay dhabarka ka riixayan Dowladaha Emirate-ka Carabta iyo Kenya.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya in Faarax Sheekh C/qaadir la hadalhayo inuu ku soo bixi doono tartanka adag ee loogu jiro kursiga Beesha Reer Aw Xasan.

Dhanka kale daqiiqado ka hor, ayaa waxay Ergadu dooratay laba Xildhibaan, oo kala ah Maxamed Xasan Qoono iyo Khadiija Maxamed Diiriye, kuwaa oo loo doortay Mudane-yaal ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close