Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka ka socda Caabudwaaq & Khasaare xooggan oo ka dhashay

Filed under: WARARKA MAANTA |

Caabudwaaq (Horumar Online) – Dagaalkan oo u dhaxeeyay laba ka mid ah beelaha wada degga Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, ayaa gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ugu yaraan waxaa la xaqiijiyay dhimashada shan nin oo dhinacyadii uu dagaalka u dhaxeeyay iyo dhaawaca toddobo kale, oo saddex ka mid ah ay rayid yihiin. Dadka rayidka ee dhaawacmay laba ka mid ah waxaa lagu sheegay in haween yihiin.

Nabaddoon Yuusuf Shire Cilmi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka, ayaa tilmaamay in dagaalkan uu salka ku haayo aanooyinka xagga qabaa’ilada.

Nabaddoon Yuusuf Shire Cilmi, ayaa ku waramaya in dagaalku u dhaxeeya beelaha wada dhashay uu ku soo noq noqday Caabudwaaq, taasoo u sabab ah sida uu sheegay, iyadoo aanu jirin maamul ku kala dhex jira.

Nabadoonka, ayaa waxaa uu iftiimiyay inaysan Odayaasha Dhaqanku lahayn awood ay ku kala dhex geli karayan dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyo, marka laga reebo in waan-waan nabadeed u marsiiyan Warbaahinta. Cidda laga doonaayo inay kala dhex gasho, ayuu ku sheegay Maamulka Galmudug.

Maamulka Galmudug, ayuu si xoogan ugu dhaliilay inaysan jirin faa’iido ay maanta ku qabaan dadka reer Caabudwaaq, haddii uu indhaha uun ka daawanayo dadka wada dhashay ee wada dagaalamaya, sida uu yiri.

Nabadoon Shire, ayaa sidoo kale sheegay inaanu Maamulka Galmudug lahayn garasho uu ugu soo gurmado dadka deegaanka, xilli looga baahnaa in uu nabad ka dhex dheliyo beelaha hubka isu sii jeediyay.

Nabadoon C/qaadir Muuse Ximbil oo ka mid ah waxgaradka reer Caabudwaaq, ayaa labada beelood ee dagaalka uu u dhaxeeyo ugu baaqay inay dagaalka joojiyan.

Si kastaba ha-ahaatee waxaa caawa degan xaaladda Magaalada Caabudwaaq, ka dib markii dagaalka uu is iskiis ah u joogsaday. Wariye-yaashana waxay soo sheegayan in xilli kasta dagaal hor leh la filan karo, maadaama aysan jirin cid kala dhex gashay dhinacyadaasi.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

 

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close