XOG CUSUB: Al-Shabaab oo ka hadlay sababta looga duqeynayo dhinaca cirka, qiilna u sameeyay!

Filed under: WARARKA MAANTA |

Sh/dhexe (Horumar Online) – Ururka Al Shabaab oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka Somaliya iyo joogitaanka dalka ee Ciidamada Amisom, ayaa qiil u yeelay weerarada dhinaca cirka ee ku socda.

Gudoomiyaha Ururka Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Shabellaha Dhexe, Yuusuf Sheekh Cismaan (Kaba Kutukade), ayaa sababta loo duqaynayo ku sheegay, iyagoo difaacaya in la boobo khayraadka dalka.

Dalka Somaliya intaasoo webiyaa marto, badaas waxaan leenahay 3,800km, saakayna waxaa loo socdaa waa in wadankan shidaalka lagala baxo bes, wax kale ma jiraan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Ururka Al Shabaab.

Waxaa kaloo uu yiri “Waxa loo duqaynayo raggan dhulkan degana, maxay yihiin? Dollarkaas ayaa laga cuni la’yahay. Drone-ku waa socdaa, qabtaa leesku hayaa.”

Yuusuf Sheekh Cismaan, ayaa yiri “Walaahi runtaa isu sheegeynaa, Ilaahaa ku dhaartee ama diid ama iska dhaaf, Rabaa igu og nin kastoo anaga naga mida ama naagaa laga dhiganaa, markaasaa lagu adeeganaa ama Ilaahay Kitaabkiisa inta uu qaato, asoo cisi leh ayuu gaalada dhegaha ku dhufanaa ama wuxuu shahiidaa markaas asagoo cadowgiisa la diriraa, ayuu jano gelaa, wax u dhaxeeyo majiraan.”

Kaba Kutukade, ayaa hadalkan ka sheegay Fagaaraha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, mar uu kula hadlaayay boqolaal ka mid ah dadka deegaanka oo fagaarahaasi isugu soo baxay.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close