DAAWO SAWIRRO: Taliyaha Nabad Suggida walaalkiis oo ku guuleystay Kursiga Aqalka hoose

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Cadaado (Horumar Online) – C/qaadir Gaafow Maxamuud oo la dhashay Taliyaha Nabad Suggida Somaliya ayaa ku guuleystay Kursiga Aqalka hoose ee Baarlamaanka Somaliya, kadib Doorasho saaka ka dhacday magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

C/qaadir Gaafow Max’uud ayaa guuleystay kadib markii ay u tanasuleen musharaxiintii kula tartameysay kursigan oo kala ahaa C/qaadir Shoobaay iyo C/qaadir Caraale, oo labaduba cadeeyay in hankooda kursiga Aqalka hoose ay ka tanaasuleen.

Guddiga Doorashada Maamulka Galmudug ayaa cadeeyay in C/qaadir uu ku soo baxay Kursiga Aqalka hoose ee Beesha Habar cayno oo ka tirsan Murursade.

Doorashada ayaa ka socota Magaalada Cadaado, iyadoo muddooyinka dambe kursigaan uu ka jiray muran ku aadan Ergada Doorashada, balse saaka ayaa la soo gaba gabeeyay markii ay dhacday Doorashada.

C/qaadir Gaafow Maxamuud ayaa ka mid noqonaya Liiska Xubnaha cusub ee Baarlamaanka dalka ee laga soo doortay Deeganada Maamulka Galmudug.

gaafoow-walaalkiis-oo-ku-guuleysta-xildhibaanimada gaafoow-walaalkiis-oo-ku-guuleysta-xildhibaanimada1 gaafoow-walaalkiis-oo-ku-guuleysta-xildhibaanimada2 gaafoow-walaalkiis-oo-ku-guuleysta-xildhibaanimada3 gaafoow-walaalkiis-oo-ku-guuleysta-xildhibaanimada4 gaafoow-walaalkiis-oo-ku-guuleysta-xildhibaanimada5 gaafoow-walaalkiis-oo-ku-guuleysta-xildhibaanimada6 gaafoow-walaalkiis-oo-ku-guuleysta-xildhibaanimada7 gaafoow-walaalkiis-oo-ku-guuleysta-xildhibaanimada8 gaafoow-walaalkiis-oo-ku-guuleysta-xildhibaanimada9 gaafoow-walaalkiis-oo-ku-guuleysta-xildhibaanimada10 gaafoow-walaalkiis-oo-ku-guuleysta-xildhibaanimada12 gaafoow-walaalkiis-oo-ku-guuleysta-xildhibaanimada13 gaafoow-walaalkiis-oo-ku-guuleysta-xildhibaanimada14

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close