UPDATE: Wararkii ugu dambeeyay Xaaladda Gaalkacyo +Maxaa cusub

Filed under: WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Wararka naga soo gaaraya, magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay degan tahay xalaadda Gaalkacyo, ayna dhinacyada maamullada Puntland iyo Galmudug leeyihiin shirar qolo kasta dhinaceeda ugu socda.

Arrimaha sida weyn lays kugu hayo, waxaa kamid ah kala qaadida ciidamada, iyadoo ay qolo kasta doonayso in loo yeelo sida ay rabto, waxaase adag in lahelo xal kama dambeys ah ilaa hadda.

Saraakiisha labada ciidan ayaa isku fahmi waayay deegaano ay soo kala qorteen, iyadoo ay Puntland soo jeedisey in ciidamada la kala geeyo masaafo dhan 2KM, laakiin Galmudug ayaa diidey qorshahan.

Waxa aheyd, xalay markii iska horimaadyo ka dhacay goobo kala duwan ayaan waxba khasaare ah kadhalan,iyadoo wali ay taagan tahay cabsida laga qabo dagaal ay mar kale dhinacyadan ku dagaalamaan.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close