Wararkii ugu dambeeyay xaalada Deg. Caabudwaaq ee G. Galgaduud

Filed under: WARARKA MAANTA |

Caabudwaaq (Horumar Online) – Deganaansho aan cago badan ku taagneyn ayaa saakay laga soo sheegayaa Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud kadib dagaal beeleed shalay ka dhacay degmadaasi.

Waxgaradka dhinacyadii ku dagaallamay degmadaasi ayaa wada waan waan ay ku kala qaboojinayaan Labada dhinac si mar kale aan degmadaasi loogu dagaallamin, inkastoo shacabkii ku dhaqnaa xaafadihii lagu dagaallamay ee Degmadaasi billaabeen in halkaa ay ka barakacaan.

Dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sababay dhimashada ugu yaraan Afar qof iyadoo dhaawac uu soo gaaray 10 kale, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Degmadaasi.

Degmadan oo maamul ahaan hoostagta Galmudug waxaa ku soo noq-noqday dagaallada u abaabulan qaab beeleedka iyadoo marar badan sidan oo kale uga dhaceen dagaalladaasi.

Dhanka kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud xiriir aynu la sameynay waxay sheegeen in dhankooda ay wadaan xal ka gaarista colaadda degmadaasi.

Xaalada Degmada Caabudwaaq, inkastoo ay degan tahay hadana waxaa Magaalada laga dareemayaa saan-santa la xiriirta dagaalkii shalay ka dhacay magaaladaasi.

Odayaasha Dhaqanka ayaa isku dayay xal ka gaarista dagaal beeledyada ku soo noq noqday Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com 

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close