Wasiir Odowaa oo ku guuleystay Kursiga 15aad ee Aqalka hoose

Filed under: WARARKA MAANTA |

Cadaado (Horumar Online) – Wasiirka arimaha gudaha Somaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, ayaa ku guuleystay kursiga Aqalka hoose ee Baarlamaanka Somaliya, Kadib doorasho ka dhacday goordhow Magaalada Cadaado.

Wasiiir odowaa ayaa Maxamed Cabdu laahi Dhaga-cade ka guuleystay kadib markii ay ku wada tartameen kursigii 15aad ee Xildhibaanada ka soo galeysa dhanka Galmudug.

Gudiga doorashada Galmudug ayaa ku dhawaaqay in Wasiirka arimaha gudaha Somaliya Cabdi raxmaan Odowaa uu helay 46 Cod, halka Dhaga-cade uu isna la yimid 5 Cod oo kaliya.

Wasiirka arimaha gudaha Somaliya ayaa horay loo sii saadaalinayay inuu ku guuleysanayo doorashada, Maadaama ay aad isugu dhawyihiin Madaxweynaha Somaliya iyo kan Maamulka Galmudug.

Inta badan Xildhibaanada hada ka soo baxay Maamulka Galmudug ayaa ah kuwo ay isku Siyaasad yihiin Madaxweynaha Dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale doonaya inuu Dalka sii hogaamiya Afarta Sano ee soo socota.

Maalmaha soo socdo ayaa la filayaa iney Cadaado ka sii socoto doorashada xubnaha Aqalka hoose, waxaa hada la doortay oo kaliya 15 Mudane iyadoo qorshaha uu yahay in la doorto 36 Xildhibaan oo Galmudug ay ka heshay Baarlamaanka soo socda.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close