XOG LA HELAY: Ciidamo Turkish ah oo iska dhiibay dalka Jarmalka

Filed under: WARARKA CAALAMKA,WARARKA MAANTA |

Berlin (Horumar Online) – Ciidamada Turkiga ee qaybta ka ah howlgalka NATO ee fadhigooda uu yahay dalka Jarmalka, ayaa iska dhiibay dalkaasi, kadib markii Maamulka Dalka Jarmalka ay ka codsadeen inay siiyaan magangalyo.

Sheekada ku saabsan Askartaan codsatay magangalyada ayaa waxaa si weyn u hadal haaya Warbaahinta caalamka, iyadoo ay xusid mudan tahay in Kumanaan askar Turki ah la xiray, wixii ka dambeeyay Afgambigii dhicisoobay ee dalka Turkiga.

Lama sheegin tirada Askarta u dhalatay dalka Turkiga ee codsatay Magangalyada, laakiin waxaa la sheegay in ciidamadaasi ay ka baxeen Xerada ciidanka NATO ee dalka Jarmalka ayna dalbadeen magangalyada.

ciidamo-turkey-ah

Xiriirka u dhaxeeya Dowladda Jarmalka iyo Turkiga ayaa sii xumaanaayay wixii ka dambeeyay markii Turkiga uu xiray kumanaan ka mid ah shaqaalaha Dowladda oo lagu eedeeyay Afgambigii fashilmay.

Weli Dowladda Turkiga kama aysan hadlin ciidamadan magangalyada weydiistay dalka Jarmalka.

Dowladda Jarmalka, dhankeeda weli ma aysan soo saarin war rasmi ah oo la xiriira dalabka kaga yimid ciidamada Turkiga ee ka tirsan howlgalka NATO.

Xafiiska Horumar Online, Berlin
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close