Cabdi-Qaadir Cosoble oo 34 cod kaga guuleystay Muxudiin Xasan Jurus

Filed under: WARARKA MAANTA |

Jowhar (Horumar Online) – Cabdi-qaadir Cosoble, ayaa goor dhow ku soo baxay tartan uu maanta la galay Muxudiin Xasan Jurus, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Cabdi-qaadir Cosoble, ayaa wuxuu helay 34 ka mid ah codadka 51 ergo oo wax dooraneysay, iyadoo Muxudiin Xasan Jurus uu helay 17 cod.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Maamulka Hirshabelle, Saki Axmed Xaraare, ayaa ku dhawaaqay tirada codadka ay kala helayn labada musharax.

Gudoomiyaha, ayaa xaqiijiyay in C/qaadir Cosoble uu helay 34 cod, halka Muxudiin Xasan Jurus uu isna helay 17 cod.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close