Home WARARKA MAANTA Ciidamada Huwanta oo horkacaya Ciidamo Mareykanka ah oo la wareegay…. &...

Ciidamada Huwanta oo horkacaya Ciidamo Mareykanka ah oo la wareegay…. & Qarax lala eegtay

SHARE

Kismaayo (Horumar Online) – Ciidan aad u fara-badan oo aroornimadii hore ee saakay ka dhaqaaqay Magaalada Kismaayo, ayaa bilaa dagaal kula wareegay Deegaanka Buulo Gaduud, oo qiyaastii 29km dhinaca waqooyi kaga beegan Kismaayo.

Ciidamadan, ayaa waxaa la soo sheegaya in ay horkacayan Ciidamada Mareykanka ka joogga duleedka Magaalada Kismaayo, waxaana ku wehlinaya ciidan ka kala tirsan Ciidamada Kenya, Itoobiya iyo kuwa Jubbaland.

Ururka Al Shabaab oo muddooyinkii ugu dambeysay ka arriminaayay Buulo Gaduud, ayaa isaga baxay halkaasi, ka dib markii ay ka war helayn in ciidan lixaad lihi ku soo wajahan yihiin.

Saacado ka dib markii Ciidamada Huwantu la wareegeen Buulo Gaduud, ayaa qarax lagu diyaariyay wadada hareeraheeda waxaa lala eegtay gaari ay wateen Ciidanka Itoobiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa Horumar.com u sheegay in ugu yaraan lix ka mid ah Ciidanka Itoobiya ay ku dhinteen qaraxaasi, iyadoo tiro kalana ay ku dhaawacantay, halka uu burbur xoogan ka soo gaaray gaarigaasi.

Ciidamada Huwanta, ayaan qaraxa ka dib waxyeelo u gaysan dadka deegaanka, balse Saraakiil la hadashay dadka waxay ugu yeereen inay is dejiyan, lana shaqeeyan.

Warar is khilaafsan, ayaa ka soo baxaya waxa uu salka ku haayo duulaanka Ciidamada Huwanta. Wararka qaar waxay sheegayan inay duulaan ku yihiin Kabsuumo illaa Jilib, halka warar kalana ay sheegayan in ay dib ugu laaban doonaan Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Jubbaland iyo Amisom, ayaa waxaan jirin war rasmi ah oo ka soo yeeray, kuna saabsan Ciidamada Huwanta ee la wareegay Buulo Gaduud iyo tallaabada xigta, ee ay qaadi doonaan.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE