DAAWO VIDEO: Fanaanad Soomaaliyeed oo soo saartay Hees ku saabsan Donlad Trump

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Sweden (Horumar Online) – Gabadha Soomaaliyeed ee heesaaga ah Deqa Afro ayaa soo saartay Hees la magac baxday “Donald Trump’ taasoo ay kaga codsanayso madaxweynaha la doortay ee Maraykanka inuu aqbalo qowmiyadda Soomaalida Maraykanka ah..

HALKAN KA DAAWO HEESTA DONALD TRUMP

Doorashadiisa ka hor ayaa Mr Trump waxaa ku timid dhaliil, ka dib markii uu sheegay in Soomaalida ku nool Minnesota ay “ku biirayaan ISIS oo ay fidinayaan fikradahooda xagjirnimada”.

Deeqa Afro oo magaceeda runta ah uu yahay Deeqa Aadan Muuse, waxay ku dhalatay Ethiopia, waxayna deggan tahay Sweden.

deeqa-afro-_horumar_online

Waxay kaloo ka codsatay dadka soo haajiray inaysan ka cabsan madaxweynaha la doortay.

Heesta waxaa la galiyey baraha bulshada, sida Facebook iyo Youtube.

Qiyaastii 85,000 oo qof oo asalkoodu Soomaali yahay ayaa la sheegaa inay Maraykanka ku nool yihiin.

Xafiiska Horumar Online, Bremen
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close