Dawlada Austaralia oo lagu Eedeyay in ay ku Xadgudubto Qaxootiga

Filed under: WARARKA MAANTA |

Australia (Horumar Online) – Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay dawlada Australia inay ku xad gudubto xaquuqda qaxootiga iyo dadka doonaya inay Australia galaan.

Sida dawlada dalkaasi ay ula dhaqanto magangalyo doonka ayaa saraakii Qaramada Midoobay ka tirsan ay ku tilmaameen nacayb iyo xadgudub. Australia ayaa ku xakameysa dadka magangalyo doonka ah xeryo sidii dad ka takooran dadka kale.

Jasiiradaha Australia ay ku xareyso qaxootiga ayaa waxaa ka mid ah Nauru oo u dhow Australia dadka kunoolna Soomaali ay kujiraan.

Waxaa Qaramada Midoobay ay sheegtay in arintaasi ay tahay bahdil. Sargaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo dhawaan booqday jasiiradaa ayaa sheegay in qaxootigaa oo halkaa ay ku ilowday dawlada Australia ay halkaa ku dhibanaayeen muddo sideed sano ah.

Carruurta ayuu sheegay inay diifeysan yihiin daryeel wanaagsana aysan halkaa ku helin.

Xafiiska Horumar Online, Nairobi
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close