DHAGEYSO: Dhacdo Murugo leh oo dadkii arkay ka argagaxay oo ka dhacday G/Shabeellaha Hoose

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Sh/Hoose (Horumar Online) – Waxaa faah faahino dheeraad ah ka soo baxay Meydadka 4-ruux oo gowracan oo la so dhigay Halka lagu magacaabo arbaco oo u dhow deegaanka Lambar 50 ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Meydadka afarta ruux ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen Dad Xoolo dhaqato ah kuwaas oo maalmo ka hor Rag loo maleynayo Shabaab ay ka wateen Deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA WIIL AABIHIIS LA GOWRACAY

Mid ka mid ah Ehelada dadka la gowracay ayaa waxaa uu xaqiijiyey in ay meydadkaasi la so dhigay meel u dhowDeegaanka Ceel-saliini Markaas oo ay u soo sheegeen Dad Xoolo dhaqato ah oo halkaa ku sugnaa.

deegaan

Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaalo salka ku haya aanooyin qabiil iyadoo taa ay barbar socdaan Dagaalka Kooxda Shabaab ku qaadayaan Fariisimaha Ciidamada DF & kuwa AMISOM.

Majiraan cid ilaa iminka Sheegatay Masuuliyada Falkan arga gaxa leh ee ka dhacay Deegaanka Ceel-Saliini ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com 

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close