Home WARARKA MAANTA Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Shirweyne lagu qabanayo M. Muqdisho

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay Shirweyne lagu qabanayo M. Muqdisho

SHARE

Muqdisho (Horumar Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay Magaalada Muqdisho ku qabanayan shirweyne qaran.

Madaxweynaha, ayaa muuqaal uu soo bandhigay bartiisa Facebook ku sheegay in shirweynahaasi lagu soo bandhigayo tallooyin laga soo kala uruuriyay dadka Somaliyeed dal iyo dibadba.

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhici doono shirweyne talo qaran la yiraahdo oo lagu soo bandhigayo tallooyinkii dal iyo dibad laga soo uruuriyay. Tallooyinkaas oo noqonayo Somaliyada cusub ee dowladda xigta 2016-2020. Sida dowladda ay u dhaqmi doonto iyo waxa dowladda laga sugayo.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Dowladda imaan doontana ay u samayso istiraatiijiyooyinkii iyo siyaasaadkii lagu dhaqangelin lahaa talladaas qaran ee dadka Somaliyeed meelkastoo ay jooggaan laga soo uruuriyay. Marka shirkaas tala qaran muhiimadaas wayn oo qaran ayuu leeyahay.

Marka laga soo taggo in shirweyne qaran ay Dowladda Somaliya ku qabanayso Magaalada Muqdisho, ayuusan Madaxweyne Xasan Sheekh sheegin xilliga la qabanayo shirweynahaasi iyo weliba goobta lagu wado in lagu qabanayo.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE