TOP NEWS: Madaxweyne Garguurte walaalahiis oo noqday tujaarinta Somalia (sidee ku tujaareen)?

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Sida caadada u ah madaxda Africa marka ay xilka loo doorto ama xoog ku qabsadaan waxaa ay durba bilaabaan sidii ay ehelkiisa hanti badan magaca dowlada ugu dhici lahaayeen, taasi oo laga dareemo isbadelka nololeed iyo dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee reerkaasi kusoo biiray.

Cali Shiikh Maxamuud iyo Xuseen Shiikh Maxamuud, waa laba walaalo ah oo la dhashay Madaxweynaha xilka ka dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud, waxaa ay ka hor doorashada walaalkood kala joogeen Muqdisho iyo Mareykanka, iyagoo midba nolol ka duwan mida uu maanta heysto la daalaa-dhici jiray.

madaxweyne-xasan-sheekh-maxamuud_horumar_online

Cali Shiikh waxaa uu lahaa Carwo yar oo ku taalay suuqa Bakaaraha, waxaana qiyaastii lacagta taalay carwadaasi lagu qiyaasi jiray wax aan ka badneyn 50,000 dollar, taasi oo u badneyd lacago deyn ah oo uu ganacsato kale kasoo qaadi jiray si marka uu cadeeyo ugu celiyo lacagtooda. Carwadaasi ayaa lagu magacaabi jiray “DAY TO DAY”.

Xuseen isaga waxaa uu ku noolaa Mareykanka, waxaana uu ahaa nin xoogsade ah, oo shaqooyinka saacadii 9 dollar lagu shaqeeyo ka qabta dalka Mareykanka, ma uusan heysan dhaqaale uu xitaa bishii ehelkiisa uga diri karo 200 dollar. Sidaasi ayuuna ula harjadi-jiray nolosha dalka Mareykanka.

MAXAA HADDABA ISBADELAY KADIB DOORASHADII WALAALKOOD 2012?

Cali Shiikh Maxamuud waxaa uu soo dhexgalay awooda xafiiska Madaxtooyada dalka, waxaana uu walaalkiis oo ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud kula heshiiyey inuu wixii lacago ah isaga u daayo, gaar ahaan ilaha dhaqaalaha laga sameyn karo. Waana laga aqbalay, iyaddoo gacan yare looga dhigay Xuseen Shiikh oo isagana shaqadii USA laga soo kaxeeyey, lana dejiyey hotel Jazeera, ee Muqdisho.


Waxaa uu sameystay shirkado kala duwan, waxaana uu baddelay dhammaan howlwadeenadii ka shaqeyn jiray laammaha dhaqaalaha ee dowlada Soomaaliya, isaga oo fariisiyey halkaasi wiilal yar yar oo isaga u dhega-nugul.


Waxaa uu qaatay dhammaan qandaraasyadda ay bixiyaan dowladaha Imaaraadka iyo Turkiga, isagoona u diiday cid aan isaga aheyn inay wax ku yeeshaan qandaraasyadaasi dalka kusoo kordhay, waana mid xadgudub ku ah muwaadiniinta kale ee dalkooda loogu afduubayo Cali Shiikh oo ku meel maraya magaca walaalkiisa xilka kasii degaya ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Haddii aan is dul-taago meelaha uu lacagta badan ka sameeyey Cali Shiikh waxaa ka mid ah :

Laanta Canshuur qaadista dalka

Taargada baabuurta dalka

Shirkaa basaska dadka usoo qaada garoonka ee qofkii ka qaata 11 ilaa 26 dollar, oo qasab ah.

Daqliga kasoo gala garoonka iyo dekeda Muqdisho

Bixinta mushaharaadka Ciidamadda oo musuq badan ka jiro.

Waxaasi oo ilo dhaqaale ah waxaa uu ka qaataa lacag badan oo dadka iyo dowlada Soomaaliya wax u tari laheyd. Waxayna muddo gaaban kadib ninkii carwada yar lahaa ka dhigtay maalqabeen iska leh guryo badan oo Muqdisho ah, iyaddoo ay gaartay inay dadka Muqdisho hal ku dhig ka dhigtaan “Si aad lacag u hesho gurigaaga Cali Shiikh ka iibso”, taasi oo la macno ah inuu lacago aan xisaab laheyn ku iibsado guryaha.

Ragga uu guryaha ka iibsaday waxaa ka mid ah Cali Xaaji Iimaan guri uu ku lahaa degmada Abdicasiis, ee Muqdisho, kaasi oo uu ka bixiyey aduun lacageed oo dhan 600,000 “Lix boqol oo kun oo dollar”. Xilliga uu iibsadayna gurigana waa 2015, ninka uu ka iibsaday ayaa ah reer ahaan Waceysle, ebeker-gaab. Waana guri kasoo horjeeda hotelka City Place.

Waxaa intaasi u sii dheer inuu yahay guddoomiyaha qarsoon ee rugta ganacsiga Soomaaliyeed, isagoona ganacsatada ku baadda magaca walaalkiis Xasan Shiikh, islamarkaana wixii ay kala soo degaan dekada Muqdisho ku qasba inay saami ka siiyaan, isagana uu noqonayo ninka fududeynaya.
Waxaa uu hadda lacag badan ku bixinayaa xildhibaanadda cusub ee dowlada imaaneysa ujeedkiisana waa sidii ay kursiga ugu sii heyn lahaayeen walaalkiis, isagana uu dhaqaale aruursiga halkaasi uga sii wadan lahaa.

Magaalooyinka Garowe, Muqdisho, Cadaado, Kismaayo, Baydhabo iyo Jowhar waxaa dadweynaha doorashada ku foogan ku yiraahdaan qofka xildhibaanimo u socda ee halkaasi jooga “MIYAA WADATAA LACAGTII CALI SHIIKH DADKA SOO SIINAYEY ?”, taasi oo calaamad u ah sida hantidii dalka ugu tagri-faleyn qoyska Xasan Shiikh Maxamuud.

Aqoonyahanka iyo indheer-garadka uu ku jiro dareenka wadaniyadeed ee dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ay walaac xooggan ka qabaan hanti boobka qoyska Xasan Shiikh Maxamuud,iyagoona ku taliyay in dib loo xisaabiyo hantida ay maanta heysteen iyo meesha ay kala yimaadeen, haddii kale waxeey noqon doontaa wado ay maraan kuwa kale ee xilalka raadinaya.

Horey waxaa idin kusoo gudbinay musuqmaasuqa ay wadaan xaasaska Madaxweynaha Soomaaliya, maantana waxaa idin la wadaagnay hanti boobka Cali Shiikh iyo Xuseen Shiikh, waana laba la dhalatay Xasan Shiikh Maxamuud, kuwaasi oo aad moodo in la yiri kusoo tartama “Boobka hantida dadka Soomaaliyeed”. Waana qoyska ugu hanti dhaca badan inta taariikhda lagu hayo madax soo marta dalka Soomaaliya iyo Africa oo dhan.

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close