WAR DEG-DEG AH: Ciidamada Galmudug & Puntland oo si rami ah oo loo kala qaaday & Wararkii ugu…

Filed under: WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya, in ciidamadii isku hor fadhiyay Magaalada ee ka kala tirsanaa Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa lagu guuleystay in la kala qaado dadaal dheer kaddib.

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdi-rashiid Cali Sharmaarke iyo Guddiyada labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa ku guuleystay in ay kala qaadaan Ciidamada muddooyinkii dambe isku horfadhiyay halkaasi.

Waxgaradka Gobolka Mudug ayaa hada wada qaban qaabo ku aadan sidii shacabka Gaalkacyo dib loogu soo celin lahaa guryahooda.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa muddo ka badan bil waxa ay isku hor fadhiyeen Magaalada Gaalkacyo, halkaasi uu ku dhexmaray dagaal xooggan oo dad badan ay ku dhiteen, kumamaan kalena ay ku barakaceen.

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close