Home Dhacdooyinka AKHRISO: Maxaa Dhici doona haddii dib loo soo doorto Xasan Sheekh?

AKHRISO: Maxaa Dhici doona haddii dib loo soo doorto Xasan Sheekh?

SHARE

Muqdisho (Horumar Online) – Saadaal badan oo la bixiyey ayaa la sheegayaa in 80% Xasan Sheekh Maxamuud uu aad ugu dhow yahay inuu dib ugu soo laabto talada Villa Soomaaliya, inkastoo wuxu siyaasad yihiin, hadane ay wax walbo isbedali karaan xilliyada dambe.

Haddaba dad badan ayaa is weydiinaya waxa dhici kara haddii mar kale la doorto Xasan Sheekh Maxamuud, waxay faa’idi karaan shacabka, iyo haddii khasaare kusoo wajahan yahay.

Waxaa la saadaaliyey in 90% dhaqaalaha dalka uu noqon doono mid hoos gala, islamarkaana 4-sano ee soo socota uu Xasan Sheekh ku dadaali doono inuu soo ceshto Malaayiintii doolar ee uu doorashada ku bixiyey.

hassan-sheik-mohamud

Waxaa imaan doona caburin shacabka iyo saxaafadda, in dadku ay waayaan meel ay ku neefsadaan, in dhaqaalaha dalka uu koox gaar ah gacanta u galo, in uu bato xariga micno darada ah ee dhallinyara, iney badato dilalka dadka wax galka u ah Soomaaliya, iyo sidoo kale in dhalintu dalka ka tahriibaan.

Qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed markii aad la sheekeysato waxay kuu sheegayaan in haddii uu Xasan yimaado ay aad u rajo jabi doonaan, maadaama dalka uu geli doono 4 sano kale oo aan socod lahayn.

Dadka qaar ayaa qaba in Xasan uu ka roonyahay shaqsi hadda yimid oo isna dhaqaale doon ah, balse 4-ta sano uu sameyn doono isbedallo kala duwan.


Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE