Home WARARKA MAANTA Al-Shabaab oo gaadiid dagaal looga gubay duleedka Qoryooley

Al-Shabaab oo gaadiid dagaal looga gubay duleedka Qoryooley

SHARE

Qoryooley (Horumar Online) – Taliska ciidamada Booliska ee maamulka Degmada Qoryooley, Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen Degmadaasi ay ku gubeen gaadiid ay lahaayeen Al-shabaab.

Cali Maxamed Aadan oo ah taliyaha saldhiga Booliska Degmada Qoryooley ayaa sheegay in gaadiidka ay gubeen mid ka mid ah uu ahaa nooca dagaalka, halka mid kalena ahaa gaari nooca loo yaqaano Homey.

Taliyaha ayaa tilmaamey in howlgalkaasi uu ka dhacay duleedka Degmada Qoryooley, islamarkaana habeen iyo maalin ay wadaan howlgallo amniga lagu sugayo.

Taliye Cali Maxamed ayaa sheegay in tuulo la yiraahdo Buulo Sheekh oo duleedka Qoryooley ah ku soo qabteen 9 nin oo hubeysan, kuwaasi oo uu tilmaamay in baaritaanno ay ku wadaan.

Amniga degmada Qoryooley waa mid aad iyo aad u sugan, waxay ciidamada gubeen habeen kahor gaadiid Al-shabaab lahaayeen, qoryana waan kasoo furannay, sidoo kale Buulo Sheekh waxaan kusoo qabannay 9 nin oo burcad hubeysan ahaa, waxayna dhacayeen dadka, hadane baaritaan ayaan ku wadnaa” ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale Al-shabaaab weli wax war ah kama aaney soo saarin wararkan sheegaya in gaadiid loogu gubey degmada Qoryooley ee Shabellaha Hoose.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

SHARE