DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha Puntland oo dalacsiiyay Saraakiil tababar ku soo qaadatay Itoobiya

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Garoowe (Horumar Online) – Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19 November, 2016 waxa uu dallacsiiyay saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland , saraakiishaas oo tababar ciidan oo mudo laba sano ah kusoo qaatay dalka Ethiopia.

Saraakiishan  oo ah lix sarkaal ayaa soo qaatay tababar dhamaystiran oo dhinaca ciidanka ah waxayna diyaar u yihiin inay u shaqeeyaan dadka iyo dalka iyagoo aqoonta dhinaca ciidanka ee ay soo qaateen ku biirin doona qorshayaasha horumarineed ee ciidamada.

Madaxweynaha Puntland ayaa shan ka mid ah saraakiishan  dallacsiiyay laba xiddiglayaal halka sarkaalka lixaadna uu Madaxweynuhu u dallacsiiyay saddex xiddigle , waxaana dhamaantood laga sugayaa inay dadka iyo dalka ugu adeegaan si daacadnimo ah.

Taliyaha guud ee ciidamada Puntland General Siciid Maxmaed Xirsi “Siciid Dheere” oo madasha dallacsiinta saraakiishan ciidanka ka hadlay ayaa sheegay in ay usoo dhabar adaygeen tababar adag oo ay soo qaateen oo mudo labo sano ah  uga socday kulliyadda Mojor General Hayllom Araya ee dalka Ehiopia, isla markaana wixii hada ka danbeeya laga sugayo inay dadka iyo dalka ugu shaqeeyaan aqoonta ciidan ee ay soo qaateen.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad kooban u jeediyay saraakiisha uu dallacsiiyay ayaa uga mahadceliyay sida wadaniyadda leh ee ay usoo dhamaysteen tababarkii loo diray laba sano ka hor , wuxuuna ku adkeeyey inay kasoo baxaan masuuliyadda ka saaran dadka iyo dalka iyo sidoo kale inay ka qayb galaan difaaca dhulka iyo dadka Puntland.

Ugu danbeyn, Madasxweynaha Puntland ayaa ku howlan qorshayaasiisa ku salaysan tababarida iyo tayaynta ciidamada kala duwan ee Dawladda Puntland.

saraakiil-puntland-oo-la-dalacsiiyay saraakiil-puntland-oo-la-dalacsiiyay1 saraakiil-puntland-oo-la-dalacsiiyay2 saraakiil-puntland-oo-la-dalacsiiyay3 saraakiil-puntland-oo-la-dalacsiiyay4 saraakiil-puntland-oo-la-dalacsiiyay5 saraakiil-puntland-oo-la-dalacsiiyay6 saraakiil-puntland-oo-la-dalacsiiyay7 saraakiil-puntland-oo-la-dalacsiiyay8

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close