DHAGEYSO: Guddoomiyihii hore ee Bankiga Yusra Abraar oo Kashiftay Sir dad badan ka qarsooneyd

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Guddoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Yusra Abraar ayaa waxa ay ka hadashay dhaqaalaha caalamka ay u soo dhiibaan Soomaaliya, halka lagu bixiyo.

Waxa ay sheegtay caalamka in uu bixiyo dhaqaalaha Soomaaliya la siiyo, balse Hay’adaha iyo NGO-yada in lacagahaasi ay ku sameeyaan is daba marin.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA YUSRA ABRAAR

Yusra Abraar Gudoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay Nairobi iyo Islii in lagu dhisay dhaqaalaha Soomaaliya loo soo dhiibay oo ay Hay’adaha halkaasi ku bixiyeen. 

yusra-abraar-horumar_online

Sidoo kale, waxay sheegtay dhaqaalaha Soomaaliya in aan dabagal lagu sameyn.

Guddoomiyihii hore ee Bandhiga Dhexe ee Soomaaliya, Yusra Abraar oo xilkaasi iska casishay, ayaa waxaana ay sababta xilkaasi isaga casishay ku sheegtay in musuq maasuq uu ka jiro Hay’adaha dhaqaalaha ku shaqada leh Soomaaliya.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close