DHAGEYSO: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Cafis u fidiyay dhallinyarada ay Al-Shabaabku qaldeen

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

Baydhabo (Horumar Online) – Xili Degmada Tiyeeglow ay ururka Al-Shabaab, Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay Dagaalo ku dhex mareen ayaa waxa wali deegaankaas isku hor fadhiya labada dhinac.

Madaxwaynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa baaq u diray Dhalinyarada ku jirta Ururka Al-Shabaab gaar ahaan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay isa soo dhibaan islamarkaana cafis ay sinayaan.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKA SHARIIF XASAN

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa xusay in Dhalinyarada ka barbar dagaalanta Ururka Al-Shabaab la qalday islamarkaana uu Maamulkiisa Cafis u fidinaya.

sanad-guuradii-labaad-markii-shariif-xasan-loo-doorta-madaxweynaha-koofur-galbeed

Hadal kaso yeeray Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu ka sheegay Xafad ka dhacday Magaalada Baydhabo taas oo logu dabaal dagayay Sanad Guuradii labaad ee kaso wareegtay Maamulka Koonfur Galbeed.

Xafiiska Horumar Online, Baydhabo
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close