Dowladda Ingiriiska oo Safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Dowladda UK ayaa shaacisay in ay safiir cusub ay u soo magacowday Somaliya , kaas oo badeli doona safiirkii hore ee dowladda UK u joogay Somaliya.

Safiirka cusub oo ka soo shaqeeyay dalal dhowr ah oo dunida ku yaal ,islamarkaana ah siyaasi si weyn looga yaqaano dalka Ingiriiska ayaa badali doona safiirkii horay dowladda Ingiriiska u qaabilsanayd Somaliya Harriet Mathews.

Qoraal kasoo baxay Dowladda UK ayaa lagu sheegay in safiirka hore ee dowladda Ingiriiska u fadhiday Somaliya loo magacaabay xil kale oo cusub islamarkaana safiirkaan cusub uu ka shaqeyn doono xiriirka u dhaxeeya Somaliya iyo sidoo kale dowladda Ingiriiska.

uk-oo-safiir-cusub-u-soo-magacowday-soomaaliya

Safiirka cusub waxaa lagu magacaabaa David Concar , waxaana uu xilka la wareegi doonaa bisha Janaayo sanadka soo socda ee 2017.

Dowladda UK, ayaa ka mid ah Dowladaha sida aadka ah galaangalka ugu leh arimaha Somaliya, iyadoo taageero ka geysata arimaha ciidamada iyo gar gaarka Bini’aadinimo.

UK, ayaa horay u sheegtay ciidamo dalkeeda ka socda inay Somaliya u dirayso, inkastoo hada qaar ay joogaan, kuwaasi oo ah la taliyeyaal dhanka Millateriga.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close