FAALLO CAJIIB AH: Cashirkii Gumeysigu inoo dhigay oo jirsaday 136 Sanadood ayaan u dhimanaynaa!

Filed under: Dhacdooyinka,WARARKA MAANTA |

FAALLO (Horumar Online) – Bismilaah 1. waxaan codsanayaa in qofkastaa isku dayo in uu akhriyo qoraalkan,fahmo ka fikiro dhuuxo idinkoo mahad san.

2.Qoraalkan waan gaabin,nuxurka iyo fariinta ayaan ku soo koobayaa macnaysta xikmada iyo hadalka dulucdiisaba.

Labadaa qodob waa codsi iyo afeef.

Dalkeenu waxa uu kamid yahay dalalka cadaanka reer yurub oo gumaysta ahaa ay qabsadeen oo guumaysteen.inagoon kusii fogaan waxaa dalkeena lagu qaybsaday magalada baarliin 1884. shan ayaa laynoo qaybiyay 1.waqooyiga iyo dhulka Nfd ee Kenya lagu wareejiyay iyo galbeedka soomaaliya ama soomaali galbeed oo lagu wareejiyay eithiopia intaa waxaa qaatay gumaystaha ingiriis waa sadex qaybood. dhulka hada ah maamul goboleedka puntland iyo koonfurtana waxaa qaatay gumaystaha talyaaniga. qaybta shanaadna waxaa qaatay gumaystaha Faransiiska.

yusuf-cumar_horumar_online

Qoraaga Qormada: Yuusuf Cumar / Horumar.com

Gumaystuhu waxa uu ku heshiiyay in iyagu wada noolaadaan iyagoo kala dal ah midoobaan qaybsadaan dalka soomaaliyeed.waxay go aamiyeen qorshe dhaw iyo mid fog oo aayaha ah kuna wajahan dalkeena xiligaas.waxa uu ahaa sidan nuxurku oo kooban.

1.Dalka soomaaliya waa dal aad u wayn baaxad ahaan

2.Dadka soomaaliyeed  waa dir qudha maha qoomiyado kala duwan sida eithiopia

3.Dadka soomaaliyeed kuligood waxay haystaan hal xadhig oo kaliya kaas oo ah islaamka.

4.Dalka soomaaliyeed 4 walxaad oo uu leeyahay dal aduunka isku darsaday oo leh majiro dhanka khayraadka,waxayna yihin

A.Badhtamaha aduunkuu dhacaa,xudunta koonkaan aduun weeye.hawadiisa waa dhex dhexaad ah halka uGu fiican cimilo.

B.Dhulbaraha ayaa mara badhtankiisa,waxa uu leeyahay laba badood iyo marinka isku xira gaadiidka badaha ku safra isagana goosha aduunka marinkood weeye.kaluunka uGu badan caalamka halka laga helo weeye,shidaalka dabiiciga ah noocyadiisa kala duwan ayaa dhex ceegaaga bad iyo bariba.

C.Hawadan inagu xeeran dhulka hadii la waydaarto halka aduunku dhigtay isgaarsiinta dayaxgacmeed waa dusha soomaaliya waayo waa barta uugu dhaw laguna qasban yahay nin walbaana manta u yaalo aalada iskgaarsiineed ee casriga ah.

Hadaba gumaystuhu isagoo xiligaa arkayay macluumaadkaas oo dhan ayuu go aamiyay qaabkii loo burburin lahaa dadka iyo dalka soomaaliyeed.5 ayuu inoo qaybiyay si loo yareeyo xoogeena,wada jirkeena,maalkeena.5 ayuu inoo qaybiyay si loo baabi iyo inaynu nahay hal isir oo wada dhashay oo baraxtiran ahna asal isku mid ah oo soomaali ah.5 buu inoo qaybiyay si diinteena loo badalo halka xarig ee ah islaamka ee aan kumidaysanahay in laynaga fidneeyo oo laynaga dhigo,qayb diin laawayaal ah,qayb gaalo ah,qaybo badan oo kala diin ah.5 buu inoo qaybiyay si qayba halkeeda looga qaato dhaqalaha dhulkooda iyagana looga dhigo kuwo dalkooda magan iyo marti ku ah oo liita oo ah shaqaale hooseeya una shaqeeyeeya iyaga gumaystaha ah.5 buu inoo qaybiyay si uu dhul iyo bad iyo bari iyo macaadan iyo kaluunba gumaystuhu uGu noolaado isagu inaguna aan duli ku abaadno siniin miniin.

Waxay hadaba iswaydiiyeen sided ku gaari kartaan barnaamijkaas oo u fulinkartaan maadaama soomaalidu yihiin sifahan.

Soomaalidu waa dad qabwayn,xaraga badan ninwalba iskala sareeya carab iyo cajab cadaan iyo madoowba oo nasab ah.

Soomaalidu waa dad geesiyaal ah oo nina aan ka baqan waana dagaal yahano.

Soomaalidu ma aqbalaan gumaysi iyo adoonsi iyo wax u dhaw toona waa gob xor ah.

Soomaalidu waxay leeyihiin dhaqan ah in hadii shisheeye soo dhex galo umidoobaan oo meel iga soowada jeed sadaan.

Waxay go aamiyeen in ay soomaalida ula dhaqmaan si khiyaano leh oo ay dhexdooda kala qoqobaan isku diraan sidadban kana dhex samaystaan adeegayaal daba dhilif ah oo fikirka gumaysi ku shaqeeya.arintan laguma dagdagin waxaa qorshahan lawaday halqarni oo buuxa 1oo sanadood. waxaa la darsayay dhaqanka soomaaliyeed waxaana la go aamiyay in maskaxiyan loo gumasto soomaalida ee aan jir ahaan la raran sida afrikada kale iyo carabta loo raran jirayba jir ahaan.Laakiin waxaa xusid mudan in dhanka koonfurta soomaaliya ay jiraan beelo larartay oo soomaaliyeed mana aha in la qariyo taariikhda dhabta ah.

Gumaysigu waxa uu ku guulaystay in uubadalo dhaqankii iyo diintii iyo dadnimadii dad soomaaliyeed waxa uuna samaystay dad adeegayaal u ah oo aamin san saraynta ninka cadaanka ah iyo gumaystaha oo aan lahayn iimaan diin isku kalsoonaan iyo dadnimo midna.

Markii dad soomaaliyeed mashruucaa ka dhiidhiyeen ee la bilaabay dhaqdhaqaaq gobonimo doon waxaa gumaystihii ka daraaday kuwii uu carbistay ee daba dhilifka u ahaa waxaana dhacday aakhirkii in ragii gobonimada soomaaliyeed u dagaalamay,udhintay inay 5 tii soomaaliyeed meel isugu keenaan laga adkaaday oo ay ka adkaadeen soomaalidii doonaysay gumasytaha kuwaas oo diiday in halmeel laysugu keeno soomaalida la kala qaybsaday iyagoo ku qancay fikirkii gumaystaha talyaaniga ee ahaa koonfur uun hanaqoto dawlad maxaa idinka galay soomaali kale taasoo dadka koonfur isku raacay inay ka go aan soomaalida la doonayo ee shanta ah.

Dadka soomaaliyeed ee la dhan rogay ahna adeegaa hooseeya oo gumaysi u adeegaya had iyo goor aaminsana cadaanka ayaa wali majaraha u haya siyaasada dalka soomaaliyeed.qorshahana 100 sano ayaa la maleegayay miraheeda aan guranayno manta.adeegaa hooseeya dabadhilif shisheeye u khaadimayaa waxaa weeye qorshihiisu in dakadaha dalka shisheeye cadaan ahi qaato,beeraha qaato oo maal gashado,garoomada diyaarada qaato,asaguna xooga lacag ah jeebka loogaliyo kadibna uu la dagaalo oo kaliya cidii ay ku jirto soomaalinimo,islaamnimo,dadnimo iyo rabid dalka iyo dadka soomaaliyeed.waxa soomaaliya haystaa waa ninkii lagu sameeyay maskax dhaqida ee la lahaaday qarni kahor.waxay ilatahay in aan iswaydiino xoriyadeenii mabaadi goobnaa soomaliyeey mise ninkaa soomaaliyeed ee gumaystaha inoo hoosaasinaya ee la adeegsanayaan hoos fadhinaa oo gumaysi baan ku jiraa waligeen?

Fiiro gaara daba dhilifka hooseeye ama khaadin gaalo ulama jeedo beel gaara oo soomaaliyeed beelwalbuu ku jiraa oo horaa laynooga shaqaystay oo laynugu dhex beeray.ogaada soomaali sax ahi mayeelayo gado oo lacag dhaafso diintaada,dadkaaga,iyo dalkaaga.hadii soomaali ku guulaysato caasimad cusub laba jabaya markiiba gumaysiga iyo dabadhilifkiisii waayo caasimad cusub uma baahna ciidan ilaaliya oo shisheeye!!!!hadase caasimadeenii daba dhilif iyo gaalka isticmaalayaa fadhiya waana dabin ah in aynaan ka xoroobin waligeen.  soomaaliyeey xormanihin aan xoroowno. xasuusta ninkii wadaniga ahaa ee yiri.

“Marka hore dalkuu idinku oran duunyo dhaaf sada ee

Marka xiga hubkuu idinka dhigi dumar sidii siiye

Marka xiga dushuu idinka rari sida dameeraad ee”

Wadani Farah oomaar jano allaah ha geeyee wuxuu ku dhintay isagoo leh “Dadkayga soomaaliyeed iyo dalkayga soomaaliya lama kala qaybin karo” 80 sanadood kahor.ninkii cadaa ee gumaysi ninkuu beeray baa inadilaya soomaaliyeeey.

Qoraalkii baan ciil dartii joojin waayay iga raali ahaada halkaasaan ku ekeeya.

W/Q: Yuusuf Cumar
Mashruuc5@hotmail.com

Xafiiska Horumar Online, Garoowe
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close