Qaramada Midoobay oo ka deyrisay xaalada Abaarta Somalia

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Xafiiska Qaramada Midoobay ee xiriirka arrimaha Bini’aadanimida OCHA ayaa walaac ka muujiyay abaaraha ka jira qaar ka mid ah gobollada Somaliya.

OCHA ayaa sheegtay in Lixdii bilood ee la soo dhaafay ay jirtay koror ku yimid xadiga abaarta Somaliya, sidoo kalena ay soo bateen dadka ka cabanaya raashin la’aan 20%.

Sidoo kale waxay sheegtay OCHA inay jiraan caruur badan oo nafaqo daro ku haysato Somaliya, kuwaasi oo u baahan gurmad dhan walbo leh.

Waxaa la sheegay in ku dhowaad 320,00 oo carruur ah ay qarkja u saaran yihiin iney u dhintaan cuduro ka dhashay abaarta, iyadoo 50,000 oo kalena la sheegay iney la il daran yihiin nafaqo darri baahsan.

Inta badan gobollada dalka waxaa hadda laga soo sheegayaa abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Ugu dambeyntii Qaramada Midoobey ayaa codsatay in wax laga qabto abaaraha Somaliya , islamarkaana gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu ay saameeyeen.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close