RW Cumar Cabdi-rashiid: ”Nabadda Degmada Gaalkacyo Waa in si Wadajir looga shaqeeyaa”

Filed under: WARARKA MAANTA |

Gaalkacyo (Horumar Online) – Ra´iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, ayaa ku Guuleystay inuu kala qaado Ciidamada Labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland, kuwaasoo isku hor-fadhiyay in muddo ah xaafado ka tirsan Gaalkacyo.

Sharma’arke oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa heshiis kala dhex dhigay hoggaamiyeyaasha labada dhinac, waxayna Hoggaamiyeyaasha Galmudug iyo Puntland isla ogolaadeen inay qaataan heshiis, isla markaana ciidamada la kala qaado.

RW Cumar oo ay wehlinayeen labada madaxweyne ee maamulada Galmudug iyo Puntland C/kariin Xuseen Guuleed iyo Cabdweli Maxamed Cali, Waxaana sidoo kale ku wehlinayay Saraakiisha Ciidamada labada maamul. 

heshiiskii-gaalkacyo-ee-gaas-iyo-guuleed

Dhanka kale, RW Sharma’arke oo tagay jiidaha hore ee ay isku hor fadhiyaan Ciidammada ayaa u sheegay saraakiisha Ciidamada labada maamul in la joojiyo dagaalka, isla markaana dib ay ugu laabtaan goobihii ay markii hore ku sugnaayeen.

Waxaan u taagan nahay sidii bulshada magaalada Gaalkacyo ku nool ay nabad-galyo ugu wada noolaan lahaayeen, waad la socotaan waxaa la gaaray Heshiis nabadeed oo xal loogu raadinayo colaadda, waxaa waajib nagu ah dhammaanteen in aan ka shaqayno, Ciidamada is-hor-fadhiyana xeryahoodii dib loogu celiyo,” ayuu yiri RW Sharma’arke oo ka hadlayay halka ay isku-hor-fadhiyeen labada ciidan.

Ugu dambeyn, Hogaamiyeyaasha maamullada Galmudug iyo Puntland, ayaa sheegay in ay dhab ka tahay dhammeynta Colaadda Gaalkacyo, isla markaana ay Dhaqan-gelin doonaan illaalinna doonaan heshiiska la gaaray.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close