WAR DEG DEG AH: Doorashadii Aqalka hoose ee Hirshabelle oo si KMG ah loo hakiyay + SABAB

Filed under: WARARKA MAANTA |

Jowhar (Horumar Online) – Guddiga Doorashada Dadban ee dalka, ayaa shaaciyay in la hakiyay Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee ka socotay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

War ka soo baxay Guddiga Doorashada ayaa lagu sheegay in ilaa amar dambe la hakiyay Doorashadii ka socotay Magaalada Jowhar, kadib shaqaaqadii uu ka dambeeyay Wasiirka Dhalinyarada Iyo Isboortiga Xukuumadda Somaliya.

Guddiga Doorashada ayaa Bogga Twiterka ay ku leeyihiin ku soo qoray in la hakiya Doorashadaasi ka socotay Magaalada Jowhar, inkastoo aysan sheegin ilaa xilliga ay hakadka tahay.

Waxaynu hakinnay doorashada kuraasta dhiman ee Golaha Shacabka ee Jowhar ka dhici laheyd ilaa amar dambe.” Ayaa lagu yiri

Magaalada Jowhar waxaa ka socda shirar gaar gaar ah oo ay leeyihiin Guddiga heer Dowlad Goboled ee arimaha Doorashooyinka, waxaana laga fekarayaa waxa laga yeelaayo Wasiir Nuux.

Shaqaaqadii xalay ka dhacday Xarunta Doorashada Hirshabelle ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka dambeysay kadib markii Wareega Koowaad ee Doorashada Wasiir Nuux uu helay codad gaaraya 21 cod, halka labadii Musharax kale ee la tartamaayay ay heleen codad gaaraya 23 iyo 7 cod.

Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle, ayaa sheegay in la qabanayo wareeg labaad, oo ay isugu soo baxeen Axmed Sheekh iyo Wasiirka, maadaama ay labadoodu ugu cod bateen.

Wasiirka, ayaa la sheegay in wareega labaad uu ka meer meeray, iyadoo koox dhalinyaro oo diyaarsaneyd ay demisay korontada Xaruntii ay Ergada wax ku dooranaysay, waxaana xigtay in dibadda uu uga baxo Xaruntaasi.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close