XOG CUSUB: Tarsan oo sheegay in loo diiday inuu u tartamo Kursiga Aqalka hoose ee dalka + SABAB

Filed under: WARARKA MAANTA |

Muqdisho (Horumar Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimada Somaliya, ayaa sheegay  in loo diiday inuu u tartamo ka mid noqoshada Xubnaha Aqalka hoose ee dalka.

Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa arintaan ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii sida uu sheegay Ugaaska Beeshiisa la siiyay lacag fara badan oo ka timid Madaxtooyada Somaliya.

Weriyaha Horumar.com ee Muqdisho oo qadka taleefoonka kula xiriiray Tarsan, ayaa sheegay in arintaasi ay sax tahay, waxaana uu ku eedeeyay arintaan inuu ka dambeeyo Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waa sax arintaasi waa ay jirtaa mana doonaayo inaan ka hadlo oo wareysi toos ah bixiyo, Kursigii Baarlamaanka ee Beeshayda waa la ii diiday inaan u tartamo sababtoo ah Ugaaska Beesheyda ayaa dhaqaalo fara badan waxaa siiyay Madaxweynaha.” Ayuu yiri Tarsan.

Hadalkiisa wuxuu intaasi raaciyay “Wada hadal iyo dacwad ayaa socota mana doonaayo inaan arintaan ka haro sababtoo ah faragelinta intaan la eeg waa wax aanan loo dulqaadan karin.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa si qaawan weerar afka ah ugu qaadi jiray Dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ee Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo Tarsan iyo Madaxweyne Xasan aysan isku siyaasad aheyn, marka loo eego sida uu u dhaliili jiray.

Madaxda Dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ayaa faragelin toos ah waxa ay ku hayaan arimaha ku aadan Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee dalka.

Xafiiska Horumar Online, Muqdisho
Horumaronline@gmail.com

RIIX HALKAN SI AAD U AKHRISO WARAR KALE

Close